Kenya oo shaacisay sababta aysan uga qeyb-galin dacwadda badda

9

Dowladda Kenya ayaa ka hadashay dhageysigii dacwadda ee todobaadkan ka socotay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, iyadoona shaaca ka qaaday sababaha aysan uga qeyb gelin fadhigaasi.

War qoraal ah oo ay soo saartay ayay ku sheegtay in ay maxkamadda ay samaysay caddaalad darro, isla markaasna ay go’aansatay in aysan ka qeyb gelin dheysiga dacwadda badda.

“Kenya waxay go’aansatay inaysan ka qeyb galin Dacwada Xadeynta Badda (Somalia v Kenya) ka socota Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda. Go’aankan wuxuu salka ku hayaa nidaamka cadaalad daro ee maxkamada” ayaa lagu yiri qoraalka.

Kenya ayaa sheegtay ‘in Garsoore Abdulqawi Yusuf oo kamid ah ah garsooreyaasha maxkamadda uu hore kulamo ay yeesheen Qaramada Midoobay ku mataley Soomaaliya, isla markaasna uu dhinaca dalkiisa la jiro’.

“Kenya waxay ku wargelisay Maxkamadda in dano ganacsi oo saddexaad oo saameyn leh ay sii hurinayaan dacwadda, taas oo ku hanjabay inay carqaladeyneyso nabadda iyo amniga gobol markii horeba nuglaa” ayaa lagu yiri qoraalka Kenya.

Sidoo kale dowladda Kenya waxay ku cataawday in Soomaaliya ay kaga dhinteen ciidan badan, kuwaasi oo Soomaaliya ka difaacayay waxaa ay ku tilmaantay ‘Argagixisada iyo Burcad baddeeda.

Hadalka Kenya ayaa ku soo aadaya xilli maalintii shalay ay maxkamadda ICJ soo geba gebeysay dhageysiga kiiska dacwadda badda, taasi oo ay Kenya diiday ka qeyb-galka fadhigaasi.