Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo laga helay Coronavirus

6

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland  Cabdiraxmaan Cabdullaahi Seylici ayaa laga helay xanuunka Coronavirus, isagoo saddexdii cisho ee la soo dhaafay la tacaalayay cudurka.

Qoraal uu bartiisa twiitter-ka soo dhigay ayuu ku sheegay in cudurku ku dhacay isagoo ku booriyay dadka inay ay raacaan tilmaamaha wasaaradda caafimaadka isla markaana ay isaga iyo inta kale ee xanuusan u soo duceeyaan in Alle caafiyo.

Dhinaca kale, wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa sheegtay in Xanuunka Coronavirus uu meel halis ah marayo, isla-markaana ay kordhayaan Dadka u dhimanaya iyo kuwo uu soo ridanayo gudaha Somaliland.