R/wasaare Rooble oo markale bilaabay la kulanka musharaxiinta

7

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilsay Musharrax Jibriil Ibraahim Cabdulle oo ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Ra’iisal wasaare Rooble iyo Musharax madaxweyne Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ka wada hadlay sidii doorasho nabdoon oo daah furan dalka uga dhici lahayd.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa balan qaaday in ay dalka ka dhaceyso doorasho la isla ogol yahay oo jawi nabdoon ku dhacda