Ciidamada Jubbaland oo qabtay lacago been-abuur ah iyo maandooriye

4

Ciidamada Ammaanka Jubbaland ayaa maanta howlgallo ay sameeyeen sheegay in ay gacanta qabteen lacago been abuur ah iyo waxyaabo maanka dooriya oo la doonayay in si qarsoodi ah loo geliyo magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Xeer ilaaliyaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamed Sheekh Cismaan Saciid oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgal oo ay ciidamada ammaanka ka fuliyeen xeebta Kismaayo lagu qabtay dooni sidday 65 milyan shilin Soomaali been abuur ah iyo  maandooriyaha xashiishka, kuwaasi oo la doonayay in gudaha magaalada la geliyo.

Maxamed Sheekh Cismaan ayaa xusay in sidoo kale ciidamada ay gacanta ku dhigeen Afar qof oo lacagaha been abuurka ah iyo waxyaabaha maanka dooriya waday, kuwaasi oo uu sheegay inay ku socoto baaritaanno dheeraad ah.