Maxay ku saabsaneyd Khudbada uu ka horjeediyay ICJ ra’iisul wasaare ku xigeenka?

0

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed  Guuleed ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay madasha dhagaysiga dacwada badda.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in Soomaaliya lagu soo xadgudbay oo Kenya ay doonayso in badeeda ay ku qaadato si sharci daro ah, taas badalkeeda dadka Soomaaliyeed ay kalsooni ku qabaan Maxkamada ICJ.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya aysan marnaba codsan in dib loo dhigo Maxkamada laakiin Kenya ay codsatay saddex jeer oo Maxkamaduna ay ka aqbashay, taasina ay muujinayso in aysan Sharciga in lagu kala baxo aysan diyaar u aheyn.

Waxaa uu sidoo kale sharaxay qareenada Soomaaliya ka socda iyo cadeymaha ay horkeeneen Maxkamada, waxaana uu mahadceliyay Maxkamada si ay ugu adkeysatay in la qabto dhageysiga Kiiska.

Waxaa uu tilmaamay in Kenya xataa ay hareermartay Sharcigii u yaallay Maxkamada oo aysan soo horjoogsan, iyadoo laga aqbalay in Saddex jeer dib loo dhigo.

Intaasi ka dib waxaa bilaabatay in qareenada Soomaaliya ay u doodaya ay bilaabaan hadaljeedintooda ku aadan sida ay ku difaacayaan Soomaaliya..

Miiska loogu tala galay in ay fadhiistaan ergada ka socoto Kenya ayaa ah mid haawanaya , maadaama aysan soo xaadirin oo ay shalay ka baxeen .