Gudoomiyaha Gobolka oo ka Hadley Abaaraha iyo Khilaafka Doorashada ee u dhaxeysa DF iyo Jubaland ee aadan Gedo.

21

Gudoomiyaha Gobolka Gedo iyo Wafdi uu hogaminayey oo maalmahan Safar shaqo ku joogay degmada Baardheere ayaa kulan maanta Xarunta Bulshada Baardheere uu kula qaatey qeybaha kale duwan ee bulshada ayaa waxaa si qoto dheer uu uga Hadley dhibaatooyinka xaga nolosha ee ay qabaan kumanaan qoys oo la liita abaaro, biyo la,aan iyo weliba baahida loo qabo sidii dadkaasi loo caawin lahaa,maadama xiligan ay ku nool yahiin daruufo qalaf san .

Axmed Buulle gareed oo hadalkiisa sii wata ayaa Codsi baaq ah u jeediyey DF ,Hay,adaha Samafalka iyo ganacsatada Soomaaliyeed in ay u gurmadaan dadka u badan reer miyiga eek u dhibaateysan deegaano badan oo ka tirsan Gobolka.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gobolka ayaa soo hadal qaadey khilaafka u dhaxeeya Maamulka Jubaland iyo DF ee salka ku haya arinta doorashada ee Gobolka Gedo waxuuna markii ugu horeysay Cadeeyey mowqifkiisa ku aadan khilaafkaasi,waxuuna sheegay talada Gobolka Gedo in ay ka go,do shacabka ku dhaqan Gobolka ee uu gudoomiyaha u yahay.

Waxuuna soo hadal qaadey in Maamulkiisu uu dhowaan mashaariic horomarineed uu ka hir gelin doono Degmada Baardheere,waxuuna tilmaamay in la tashiyo uu kala sameyn doono qeybaha kale duwan ee Bulshada ku dhaqan degmada Baardheere.

Qaar ka mid ah Odoyaasha deegaanka oo ka Hadley Kulanka ayaa ku bogaadiyey Gudoomiyaha mowqifka iyo aragtidiisa ku aadan arimaha Doorashooyinka iyo khilaafka u dhaxeeya Jubaland iyo DF,iyagoona taaageero u muujiyey halka uu ka taagan yahay arintaasi.