Kheyre oo ka baaqsaday Kulanka RW Rooble & Musharixiinta

10

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka baaqsaday shirka Decale ee u socda Midowga Musharaxiinta, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababaha keenay in uu shirkaasi ka baaqsado, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uu kulan looga hadlayo xaalada dalka uu la leeyahay qaar kamid ah taageerayaashiisa.

Kulanka ka socda Hotelka Decale ayaa waxaa ku sugan xubnaha ugu cadcad Midowga Musharixiinta sida, labada Madaxweyne hore Sheekh Shariif & Xasan Sheekh, Musharax Daahir Geelle iyo Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.