DEG DEG: Shirka Raisal Wasaare Rooble iyo Mucaaradka oo furmay

40

Waxaa goordhow si rasmi ah u billowday shirka gaarka ah ee u dhexeeya xukuumadda iyo xubnaha musharraxiinta mucaaradka, kaasi oo ka dhacaya hotelka Decale ee magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa lagu yiri ” Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh Midowga Musharaxiinta. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kala hadlaya murashaxiinta arrimaha doorashooyinka, amniga dalka.”

Shirka u dhexeeya xukuumadda & musharraxiinta oo kusoo aaday, xilli xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada & dhaq-dhaqaaqyada ka jira magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Waxa kale oo uu shirkan muhiim u yahay geedi socodka nabada ee Soomaaliya, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Labada dhinac ayaa horey u gaaray is-afgarad, kadib markii Rooble uu aqbalay laba ka mid ah ah saddex qodob oo ay soo gudbiyeen musharaxiinta, kuwaas oo kala ah:-

1- In la cambaareeyo, raalli gelin laga bixiyo wixii dhacay 19 Febraayo.
2- In bannaan baxa la ogolaado.
3- In shirarka wadatashiga qaran laga qeyb geliyo Murashaxiinta.

Si kastaba waxay arrimahan kusoo aadayaan, iyada oo lagu wado in beri oo Jicmo ah uu dhaco dibad-baxa ay markale ku baaqeen xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka