Maamulka Baardheere oo ku Baaqey in gurmad deg deg ah loo sameeyo kumanaan Qoys oo la liita Abaaro iyo Biyo la’aan.

16

Iyadoo marba marka ka dambeyso ay ka sii dareyso Biyo la’aanta daran ee ka taagan deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Gedo,waxaana sii kordhaya qeylo dhaanta ka soo yeeraysa Maamulada,Odoyaasha ,Culama’udiinka iyo Waxgaradka Gobolka Gedo,kuwaasi oo ku Baaqaya in loo gurmada dadka ay noloshooda saameynta ku yeelatey Abaarta iyo Biyo la’aanta.

Maxamed Weli Yusuf Qorax oo ah Gudoomiyaha Maamulka Baardheere oo kulan la qaatey qeybaha kale duwan ee Bulshada degmada ayaa sheegay in meel halis ah ay taagan tahay Nolosha kumanaan Qoys oo degan Miyiga iyo tuulooyinka hoos yimaada degmada Baardheere,mushkilada ugu weyn ayuu sheegay in ay ka taagan tahay biyo la’aanta oo gaartey heerkii ugu xumaa.

Gudoomiyaha ayaa ugu Baaqey hay’adaha samafalka ,jaaliyadaha Dibada iyo Bulshada Baardheere in ay u istaagaan sidii ay ugu gurman lahaayeen dadka ay la soo deristey Abaarta iyo Biyo la’aanta,waxuuna dalbadey in la bilaabo gurmad biyo dhaamin ah.

Hadalka Gudoomiyaha Baardheeere ayaa ku soo aadaya xilli kumanaan qoys Biyo la,aan darteed ay ugu barakaceen deeganadooda