Maxuu wafdiga James Swan kala hadlay Axmed Madoobe?

15

Wakiillo ka socda saaxiibbada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Kismaayo, taas oo qeyb ka ah dadaalka socda ee lagu doonayo in la hirgeliyo heshiiskii 17-kii September lagu galay shirkii ay yeesheen madaxda heer federaal iyo heer maamul goboleed.

Saraakiisha Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayey wakilka Qaramada Midoobey ayaa sheegay in ay Kismaayo u tageen si ay faham dheeraad ah uga helaan arrimaha ay ka walaacsan yihiin mas’uuliyiinta Jubalanad iyo sida horay loogu sii wadi karo hannaanka doorashada.

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka baaqday shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen madaxweynaha dowladda federaalka iyo inta badan madaxda maamul goboleedyada.

Beesha Caalamka ayaa dadaal ugu jirta in dhinacyada iska leh go’aaminta siyaasadda Soomaaliya ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed ay isugu yimadaan shir dambe oo heshiis looga gaaro doorashada dalka.

Madaxda Jubbaland iyo Puntland ayaa si isku mid ah u diiday inay ka soo qeyb galaan shir uu gogoshiisa dhigay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa ku doodaya in shirkaas lagu qabto goob ay isku aamini karaan iyo in la helo garab seddaxaad oo damaanad qaadi kara daba galka fulinta wixii lagu heshiiyo.