DF oo si cad u diiday banaanbaxii ay iclaamiyeen musharaxiintu

16

Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo hadda shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay mudaharaadka ay iclaamiyeen golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya, isagoo shaaciyey in aysan ogolaa doonin in banaanbax lagu qabto magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in dowladdu go’aamisay in gabi ahaanba la joojiyo isusoo baxyada iyo kulamada laga maarmi karo, go’aankuna uu sidaas ahaan doono.

“Sida aad ka war-qabtaan banaanbax waa la joojiyey ha noqdo mid dowladda lagu taageerayo ama ha noqdo mid looga soo hor jeedo, hadii ay dhaceyso in la ogolaado banaanbax waa inay soo baxdaa qiimeyn kale, cudurka oo naga yaraada iyo amniga oo ay wax iska bedelaan, waxaa jira dad is xil-qaamay oo isku dayey inay xaliyaan arrintaas, waxaana hadda socda wadahadal, sidii uu horay u sheegay ra’iisul wasaaruhu weli waxaa furan albaabka wadahadalka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiir Xasan Xundubey.

Waxa uu sheegay in magaalada Muqdisho ay ka duwan tahay magaalooyinka kale ee dalka, isla markaana aysan ogolaa doonin inuu ka dhaco banaanbax ay dhigayaan dad hubeysan.