Dowladda Federaalka Oo Sheegtay In Muqdisho Uu Dhacay Isku Day Afgembi

13

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Federaalka ee xilka sii-haya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in Jimcadihii lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho uu ka dhacay isku day lagu doonayay in lagu qabsado Afgembi.

Wasiir Dubbe oo ka qeyb galayay kulan dood looga hadlayay xaaladda dalka iyo Doorashada ayaa sheegay in Ciidanka amniga ay ka hortegeen qorshe lagu damacsanaa in dowladda Federaalka lagu rido oo lagu qabsado Afgembi.

Waxaa uu sheegay in Ciidamo hubeysan la keenay meel ku dhow Xarunta Madaxtooyada oo ula jeeday Ciidankii uu watay Gen. Indha-cadde oo sheegay in dalka aysan dowlad ka jirin, kadibna ay weerar ku qaadeen Ciidanka dowladda Federaalka.

Ciidanka Booliska dowladda ayuu Wasiir Dubbe sheegay inay kahor tageen isku dayga Afgembi, isla markaana xusay in wax la aqbali karo aysan arrintaas aheyn, ayna Mas’uul ka yihiin cid kasta oo tallaabadaas abaabushay.

Gaba-gabadii Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Cismaan Dubbe ayaa tilmaamay in dalka ay ka dhaceyso doorash oo dowladda wado dadaalo kala duwan, wuxuuna sii raaciyay hadalkiisa ay guuleysan doonaan.

Hadalka Cismaan Dubbe ayaa kusoo beegmay, iyada oo taaladda Daljirka daahsoon uu dagaal ku dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa daacad u ah Musharaxiinta Madaxweynaha, sidoo kalena  dowladda banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Musharaxiinta is hor istaag ku sameeysay.