Wasiirka A/Dibadda Soomaaliya oo laga helay COVID-19 isagoo jooga Burundi

11

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa shaaciyey in maalinkii sideedaad uu ku karaantiilan yahay dalka Burundi, kadib markii laga helay cudurka Coronavirus.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq oo la hadlay telefishinka dowladda ayaa sheegay in cudurku uu aad ugu faafay Soomaaliya, isla markaana uu ka soo qaaday Xamar, isla markaana laga helay markii uu tegay dalka Burundi.

“Cudurka Covid Soomaaliya aad ayuu ugu faafay aniga hadda waxaan ku suganahay dalka Burundi oo aan u imaaday shir, hadda maalinkii 8-aad waxaan ku jiraa karaantiil sababtoo ah waxaan Xamar ka soo qaaday cudurka Corona, shirna cid lama yeelan oo intaas waxaan ku xiranahay meel, daawo ayaa ii socota,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.