Sheekh Shariif “Dhiigeena looma baneysa karo qof aan naga tirsaneyn hadalkiisa”

1

Guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta hadal ka jeediyey shir jaraa’id oo musharaxiintu ku qabteen magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dhow arrimood oo ku saabsan rabshadihii ka dhashay banaanbixii ay iclaamiyeen ee dowladdu ka hor tagtay Jimcihii lasoo dhaafay.

Ugu horeyn Sheekh Shariif ayaa mar kale shaaciyey in maalinta Jimcaha ah ee soo socota ay qabanayaan banaanbax kale oo ka dhici doona isla goobtii loo diiday ee fagaaraha taallada Daljirka Daahsoon.

Waxa uu sheegay in banaanbaxaasi uu fure u yahay hanaanka dimuquraadiyadda dalka iyo mida doorashooyinka Soomaaliya xiligan la joogo.

Madaxweynihii hore Sheekh ayaa nasiib darro ku tilmaamay in madaxda dowladda federaalka aysan weli garowshiyo ka bixin, is hor-taagii ay ku sameysay banaanbixii nabadeed ee dadka reer Muqdisho ay sameyn lahaayeen todobadkii hore, kaas oo uu sheegay in dad lagu dilay kuwo kalena ay ku dhaawaceen ciidamada dowladda.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa sheegay in aysan jirin cid ay wakiil uga yihiin banaanbaxyada ay abaabulayaan iyo dadaalka ay ugu jiraan in dalka ay ka dhacdo doorasho xor ah.

“Cid aan u wakiilanay hadalkeena iyo aragtideena maanta ma jirto, waxaan nala yiraahdaa golaha musharaxiinta waxaa nawada khuseeya wixii aan wadajir u soo saarno, nama khuseeyaan wax ka yimid qof aan naga tirsaneyn dhiigeenana looma baneysan karo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa sheegay in golaha midowga musharaxiinta ay aad ugu mahad celinayaan madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo uu sheegay in khataro badan oo dhanka hoggaanka ah ay u iftiimiyeen dadka Soomaaliyeed.