Madaxweyne Deni oo maanta la kulmay wafdi ka socda Midowga Yurub

2

adaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Madaxtooyada Puntland ee Garowe ku qaabilay wafdi ka socda Midowga Europe oo uu hoggaaminayo Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez,.

Wafdigaas Ergayga Midowga Europe waxaa ku wehliyey Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya Staffan Tillander.

Kulanka oo ay Madaxweynaha kala qeyb-galeen wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, qorsheynta iyo warfaafinta maamulka Puntland, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan is mari waaga ka taagan doorashooyinka guud ee dalka.