DF oo mar kale casuumaad u dirtay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni

9

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa madaxda Jubbaland iyo Puntland looga dalbaday inay ku soo biiraan shirka madaxada kale ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed uga socda Muqdisho.

“Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ugu yeeraysaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland in ay ku soo biiraan shirka wadatashiga ah ee lagu dhammeystirayo talo soo jeedintii ay isla meel dhigeen Guddigii Farsamada ee ku kulmay Baydhabo 15-16 Febraayo 2021,” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada.

Qoraalka Villa Somalia ayaa intaas ku sii daray, “Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo ka duuleysa baahida loo qabo in dalka doorasho loo jiheeyo waxay xal u aragtaa in dhammaan Dowlad Goboleedyada ay ka qeyb qaataan dhameystirka geeddi socodka doorashooyinka dalka, loogana gudbo marxaladdan hadda lagu jiro wada hadal, isqancin iyo in loo tanaasulo danta guud.”

Ugu dambeyntii qoraalka waxaa lagu yiri, “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka loo jiheeyo doorasho, lagana mira dhaliyo heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020 ay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ku gaareen magaalada Muqdisho iyo habraacyadii lagu dhammeystiray fulinta heshiiskaas.”

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa ka soo jawaabi waayey dalabkii hore ee madaxweyne Farmaajo uu ku iclaamiyey shirkii loo asteeyey inuu Muqdisho ka dhaco 18-kii illaa 19-kii bishan.

Labada maamul oo si dadban uga hadlay casuumaada shirkan ayaa shaaciyey in sababo amni ay uga baaqsanayaan shir ka dhaca Villa Somalia, iyagoo dalbaday in lagu qabto shirka goob ay isku haleyn karaan ammaankeeda iyo in damaanad qaad loo helo fulinta wixii lagu heshiiyo.