Maxay kawadahadleen Cali Guudlaawe iyo Shiikh Shariif?.

14

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen ( Ali Guudlaawe ) ayaa xalay hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ku booqday Madaxweynihii hore ee Somaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay muranka ka taagan arimaha doorashooyinka iyo sidii xal looga gaari lahaa arimahaasi.

Labada masuul ayaa si gaar ah uga wadahadlay in la ilaaliyo xasiloonida Soomaaliya, islamarkaana khilaafka la dhameeyo.

Doorashada Soomaaliya ayaa haatan waxaa ka taagan khilaaf xoogan, kaasi oo u dhexeeya dowladda Soomaaliya, qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada iyo musharixiinta mucaaradka ah.