Turkiga oo ku baaqay in xal laga gaaro khilaafka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya

1

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee xiligan uu marayo dalka iyo muranka hareeyay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Turkiga ayaa sheegtay in ay walaac xoogan ay ka muujinayso  rabshadihii ugu dambeeyay maalmo ka hor ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoona sheegtay in ay muhiim tahay in la ilaaliyo xasiloonida Soomaaliya

Bayaanka ka soo  baxay dowladda Turkiga ayaa waxaa looga baaqay Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada, kaasi oo ku aadan in ay  heshiis nabadeed ka gaaran doorashada oo wax kasta oo jira lagu dhammeeyo wada-hadal laguna shaqeeyo niyad wanaagsan.

“Waxaan aaminsanahay in dadka Soomaaliyeed ee saaxiibtinimada iyo walaaltinimada leh ay leeyihiin rabitaan iyo biseyl siyaasadeed oo ay ku go’aansadaan mustaqbalkooda.  Xaaladda jirta waxaan rajeyneynaa in is afgarad laga gaaro howlaha doorashada, iyadoo lagu saleynayo is-faham aan dib u dhac dambe ku imaan”