Golaha ammaanka ee Q.M oo shir ka yeelanaya xaalada Soomaaliya.

13

Waxaa gelinka dambe ee maanta lagu wadaa in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu kulan ka yeesho siyaasadda cakiran ee Soomaaliya, kadib rabshadihii todobaadkii hore ka dhacay caasimadda Muqdisho.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa khudbad ku aaddan marxaladihii u dambeeyay ee dalka ka jeedin doona kulanka.

Muqdisho waxaa ku sugan madaxda maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed kuwaas oo shalay kulan la yeeshay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha dowladda Federaalka.

Kulanka waxaa ka maqan madaxda Puntland iyo Jubaland oo la filayay inay ka qeybgalaan shirka looga arinsanayo talo-jeedinta guddigii farsamada ee bartamihii bishan ku shiray magaalada Baydhabo.

Jubaland ayaa shuruudo horleh ku xirtay ka qeybgalka shirka, iyadoo sheegtay in ammaanka caasimadda aan la isku haleyn karin kadib iska horimaadkii ciidamada dowladda iyo kuwa musharraxiinta mucaaradka ku dhexmaray Muqdisho.

Beesha Caalamka ayaa marar badan sheegtay in xal u helidda xiisada ka taagan siyaasadda Soomaaliya ay ku jirto dhameystirka heshiiskii ay madaxda dalka gaareen 17-kii September 2020 ee lagu faahfaahiyay hannaanka doorashada.

Khilaaf ka dhashay qodobo kamid ah heshiiskaas ayaa horseeday in kulan ay madaxda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ku yeesheen Dhuusamareeb horraantii sanadkan uu ku soo idlaado natiijo la’aan.

Hogaamiyayaashaas ayaa kadib guddi farsamo oo ka kooban 14 xubnood u diray magaalada Baydhabo, waxaana guddigu shaaciyay in laga heshiiyay dhammaan qodobadii la isku hayay.

Kulan ay madaxtooyada Soomaaliya ku baaqday in madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadiir ay Muqdisho isugu tagaan 18-kii bishan ayaa la filayay in dhinacyada ay ku kala saxiixan doonaan heshiiska ay gaareen guddiga farsamada.