Xukuumadda Oo Baaq U Dirtay Shacabka Magaalada Muqdisho

12

Wasiir ku-xigeenka Gadiidka iyo duulista Hawada Xukuumadda Federaalka ee xilka sii-haya Xirsi Aadan Rooble ayaa ka hadlay soo laba kacleynta Cudurka halista ah ee COVID-19 oo siweyn ugu faafay gudaha dalka.

Wasiir ku-xigeenka Xirsi Aadan ayaa sheegay in Cudurka COVID-19 uu yahay xaalad halis ah oo aan daawo laheyn uuna dhibaato ku yahay aduunka oo dhan ah, looga baahan yahay marka hore shacabka Soomaaliyeed aaminaan inuu Cudurka jiro.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu Wasiir ku-xigeenka sheegay in aysan ku baarugsaneyn halista uu leeyahay Cudurka, isla markaana uu si weyn ugu faafay gudaha Magaalada Muqdisho oo si maalinla ah kiisas badan looga diiwaan-gelinayo.

Wasiir ku-xigeenka Gadiidka iyo duulista Hawada ayaa shacabka Gobolka Banaadir ugu baaqay inay ka hortegaan faafida COVID-19 oo ay qaatan tallooyinka Caafimaad ee loo jeedinayo oo ay kala fogaadan, ayna xirtaan afka, joojiyaana isku imaatinada.

Gaba-gabadii Xirsi Aadan Rooble ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlado kale ay iska kaashanayaan sidii looga hortegi lahaa soo laba kacleynta uu sameeyay xanuunka, xili shalay dalka ay Cudurka ugu geeriyootay 8 qof, sidoo kalena la diiwaan-geliyay in ka badan 150 kiis.