Qarax Labaad Oo Maanta Ka Dhacay Muqdisho Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeysa

3

Duhurnimadii Maanta Qarax miino oo dhulka la geliyay ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhexeeysa isgoyska Tarabuunka iyo Isbitaalka Difeer gaar ahaan halka loo yaqaano qaruuraha Qaranka ee degmada Hodan ee Gobolkaaan Banaadir.

Dad Goobjoogayaal ah oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in xiligii uu qaraxu ka dhacayay ay wadada marayeen gaadiid ay la socdeen Ciidano ka tirsan kuwa Booliska, isla markaana mar qura la maqlay jugta qaraxaas.

Inta la xaqiijiyay afar ruux ayaa ku dhaawacmay qaraxaas Maanta ka dhacay degmada Hodan, kuwaasi oo gaadiidka gurmadka deg dega ah goobta looga qaaday, iyagoo la geeyay Xarumo Caafimaad, si loogu daaweyo.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn goobta ayaa tegay halka uu qaraxu ka dhacay, isla markaana xiray aaga oo dhan, kadibna sameeyay howlgal miino baaris ah.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Ciidanka Booliska dowladda ay sameeyeen howlgal baaritaano ah, iyagoona kusoo qabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaasi oo la geeyay Saldhig ay leeyihiin Ciidanka, ayna ku socdaan baaritaano.

Qaraxaas ka dhacay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa kusoo aadayaa, iyadoo barqdii Maanta qarax  uu ka dhacay degmada Hiliwaa, isla markaana lala eegtay Mas’uul ka tirsan deeegaanka Daaru-salaan ee Muqdisho, balse uu ka badbaaday.