Jubbaland oo dalbatay in Farmaajo uusan door ku yeelan hanaanka doorashada

8

 

War kasoo baxay dowlad goboleedka Soomaaliya ee Jubbaland ayaa looga dalbaday Madaxweynaha uu waqtigiiso dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu raaligalin ka bixiyo weerarkii lagu qaaday hoteelka ay deganaayeen labo Madaxweyne oo hore.

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale dalbatay in la isugu yimaado shir ay ka soo qeyb galaan dhammaan saamileyda siyaasadeed in goobta uu shirkaas ka dhacayo ay noqoto meel amnigeeda lagu kalsoonaan karo, mas’uuliyadeedu lahaato Beesha Caalamka.

Warka ayaa lagu xusay in loo baahan yahay in  la helo damaanad qaad ku aadan fulinta natiijada shirkaas iyo in Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ka dhex baxo oo uusan door ku yeelan hannaanka doorashooyinka, si loo helo kalsoonida saamileyda siyaasadeed ee dalka.