DF oo shaacisay in Jubbaland iyo Puntland aysan weli aqbalin casuumaadii MW Farmaajo

7

War xalay kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu shaacismyey in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland aysan weli aqbalin casuumaddii uu u fidiyey madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo iclaamiyey shir lagu balansanaa inuu Muqdisho ka dhaco intii u dhaxeysay 18-kii ilaa 19-kii bishan.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya oo ku qotan luuqada Englishka, kana kooban laba bog ayaa lagu yiri “Dhammaan madaxda maamul goboleedyada, marka laga reebo labo, waxay ka jawaabeen caasuumaddii madaxweynaha, waxayna diyaar u yihiin inay taageeraan heshiiskii guddiga farsamada ee Baydhaba.”

Labada maamul goboleed oo aan si gaar ah loogu magacaabin qoraalkan ayaa kala ah Jubbaland iyo Puntland, maadaama ay Muqdisho ku sugan yihiin madaxda Maamullada Galmudug, HirShabeelle iyo K/Galbeed.

“Mar kale, dowladda federaalka Soomaaliya waxay ku boorineysa labada madaxweyne goboleed ee harsan inay kusoo biiraan saxiixayaasha kale ee heshiiskii siyaasadeed ee September 17, si taasi ay dhabbaha ugu xaarto doorasho ay ku jirto danta nabadeed iyo barwaaqada,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa ka cagajiidaya ka qeyb galka shirka uu iclaamiyey madaxweyne Farmaajo, iyagoo u sababeynaya wixii ka dhacay Jimcihii la soo dhaafay.

Madaxda seddaxda maamul ee kale, duqa Muqdisho iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa caawa kulan gaar ah ku yeeshay madaxtooyada, in kastoo aan war laga soo saarin, hadana waxay ka wadahadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka oo hadda aad u cakiran, waxay wararku sheegayaan inay qorsheynayaan in shirka la furo saacadaha soo socda.

Sidoo kale dowladdu waxay qoraalkan ku soo dhaweysay baaqyada caalamiga ah ee tilmaamaya in deg deg xal looga gaaro khilaafka hareeyey dorashooyinka Soomaaliya.