Dowladda Soomaaliya oo si adag ugu jawaabtay hadalkii ka soo yeeray dowladda Imaaraadka

8

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe goor dhow shir jaa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga fal-celiyey sida ay dowladda Imaaraadka Carabta uga hadashay isku dhacyadii Jimcihii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dowladda Imaaraadka Carabta oo shalay war ka soo saartay isku dhacyadii ka dhashay banaanbaxyadii ay Jimcihii soo abaabuleen musharaxiinta mucaaradka ah ayaa dowladda Soomaaliya ku tilmaantay mid ku meel gaar ah.

Wasiir Cismaan Dubbe wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda Soomaaliya loogu yeero ku meel gaar, isagoo sheegay inay dowladaha kale ee carabta ka soo gaareen hambalyo ku aadan sidii ay dowladdu ula tacaashay wixii dhacay maalintii Jimcaha ee aan soo dhaafnay.

“Waraaqahaas waxay naga soo gaarayeen wadamo badan oo aynu saaxib nahay, gaar ahaan wadamada Carabta oo markii ay maqleen caasimadii dhexdeeda oo laga leeyahay dowladi ma jirto aad u wal-walay. Xalay ayey wasaaraddeena arrimaha dibaddu soo saartay warqad faah faahsan oo ay kusoo dhoweynayaan talooyinkii ka yimid saaxibada caalamka, kuna bal-ballarinayaan sida ay wax u dhaceen, halkan waxaa idin kuugu yeeray in shacabka Soomaaliyeed aynu u sheegno aadna la wadaagtaan in waraaqahaas ay ku dhex-jirtay warqad midab kala leh oo mustaqbalka dalkeena u ekeysiineysay mid madow” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Sidoo kale wasiir Dubbe ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Imaaraadka ay ahaayeen labo dal oo leh taariikh fog iyo saaxibtinimo ku dhisan walaalnimo, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan madaxda imaaraadka Carabta, gaar ahaan kuwa arrimaha dibadda ay xuub-siibteen inay dhaawacaan iskaashiga iyo xiriirka labada dowladood iyo labada shacab.

Wasiirku waxuu sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ka xun tahay hadallada xanafta leh ee kasoo yeeray Imaaraadka, wuxuuna ugu baaqay in cudur-daar iyo raalli-geliba ka bixiso warqadaasi gefka ku ah qaranimada & sidoo kale jiritaanka Soomaaliya.