Fannaanadii Faadumo Cali Nakruuma oo Muqdisho ku geeriyootay

7

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyootay Fanaanadii caanka aheyd  Faadumo Cali Nakruuma oo ka mid ahayd Fanaaniintii Qaranka Soomaaliyeed.

Fannaanada ayaa ku geeriyootay Isbitaal Martiini ee magaalada Muqdisho, iyadoo maalmahan la xanuunsaneysay xanuunka Coronavirus.

Fanaanadda ayaa qaaday heeso badan oo Jacayl iyo waddani leh, iyadoona ka tirsaneyd kooxdii Waaberi.

Sidoo kale, Marxuumadda ayaa waxa ay qayb ka ahayd riwaayado badan oo si wayn bulshada Soomaaliyeed ugu dhex faafay.

Waqtigii burburka Faadumo Cali Nakruuma inta badan waxay ku noolayd dalka dibaddiisa, iyadoo horraantii sannadkii 2018 ku soo laabatay magaalada Muqdisho.