Wakiillada Beesha Caalamka oo shir gaar ah ka leh xaaladda Soomaaliya

6

Waxaa hadda magaalada Muqdisho ka socda shir wakiillada  beesha caalamka ay uga arrinsanayaan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Shirkan oo ka socda xerada Xalane ayaa looga hadlayaa xaaladihii u dambeeyey ee siyaasdda Soomaaliya oo haatan cakiran.

Beesha Caalamka ayaa horay walaac uga muujisay khilafka ka taagan doorashooyinka dalka iyo isku dhacyadii shalay ay marti geliysay Muqdisho.

Go’aano la xiriira arrimaha siyaasdeed ee Soomaaliya ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu ka soo baxo beesha caalamka.

Jimcihii shalay magaalada Muqdisho ayaa gashay bandow iyo isku dhacyo, kadib markii dowladdu ay awood u adeegsatay ka hor tagga banaanbax ay iclaamiyeen musharaxiinta mucaaradka ah ee Soomaaliya.

Hasa yeeshee xaaladda magaalada ayaa maanta oo Sabti ah ku soo noqotay si caadi ah, waxaana sidoodii hore ku soo noqday howl maalmeedkii caadiga ahaa ee dadweynaha, sidoo kale dhamaan wadooyinka magaalada ayaa loo isticmaalayaa si caadi ah, intoodii horay u furneyd.