Jabuuti oo ciidamo hor leh u soo direysa Soomaaliya

23

Midowga Afrika iyo dowladda Jabuuti ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo muhiimadiisu tahay sidii dowladda Jabuuti ay Soomaaliya ugu soo dir laheyd ciidamo suga ammaanka, gaar ahaan doorashooyinka guud ee dalka.

Madaxa Nabad-gelyada iyo ammaanka Midowga Afrika Ismaaciil Sharqi ayaa warbaahinta u sheegay in heshiiskaan uu yahay mid dowladdaha xubnaha ka ah Midowga Afrika ay iskaashi balaaran uga raadinayaan, sidii dadaallo dheeraad ah loogu bixin lahaa wadamada ay ka socdaan howlgallada nabad ilaalinta oo ay colaaduhu ladegeen.

Mr. Sharqi ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya maanta ay u baahan tahay in ciidamo dheeraad ah loo diro, kuwaas oo muhiim u ah inay qeyb ka noqdaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Dowladda Jabuuti waxay qeyb ka tahay dalalka ay ciidamada nabad ilaalinta ah ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo ku howlgala magaca AMISOM.

Soomaaliya ayaa gashay marxalad doorasho, xilli aan weli la isku fahmin hir-gelinta heshiisyadii laga gaaray doorashada, waxayna dhankeeda AMISOM isku diyaarineysaa sugidda ammaanka goobaha ay doorashooyinku ka dhacayaan.