Jubbaland iyo Puntland oo u yeertay guddiyadii uga qeyb galay shirkii Baydhaba

2

Waxaa isisoo taraya wararka sheegaya in Jubbaland iyo Puntland ay ka cagajiidayaan ka qeyb galka shirka uu iclaamiyey madaxweyne Farmaajo, kaas oo la dhaafay waqtigii loo asteeyey, balse aan laga quusan qabsoomidiisa.

Ilo xog ogaal ah ayaa KNN u shgeegay in xubnihii guddiga farsamada ee Jubbaland uga qeyb galay shirkii arrimaha doorashooyinka ee ka dhacay Baydhaba ay maanta dib ugu laabteen magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland.

Xubnahaas ayaa maalmahaan Muqdisho u joogay qaban qaabada shir ay isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo Farmaajo u asteeyey in Muqdisho lagu qabto 18 illa 19-kii bishan.

Magaalada Muqdisho ayaa Jimcihii shalay marti gelisay shaqaaqooyin ka dhashay isku dhacyo dhex maray banaanbaxyo ay soo abaabuleen musharaxiinta mucaaradka ah iyo ciidamada ammaanka dowladda federaalka.

Sidoo kale Puntland ayaa iyaduna u yeeratay xubnaha guddigaas ee ka jooga Muqdisho, waxayna labadaas maamul dalbanayaan in gogosha shirkaas laga bedelo Villa Somalia, sidoo kale beesha caalamka ayey doonayaan inay door ku yeeshaan hir-gelinta heshiisyada laga gaari doono khilaafka hareeyey doorashooyinka dalka.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed dalka ayaa shaki geliyey ka qeyb galka shirka madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, isagoo u sababeeyey rabshadihii shalay ka dhacay Muqdisho.

“Mar haddii aysan is fahamsaneen dadkii wax wada lahaa waa in aan ka fiirsanaa tagista Muqdisho iyo ka qayb-galka shirka, ciidamadii iyo siyaasadiinta hadiiba ay kala qaybsameen waa in aan marwaliba ka fiirsanaa tallaabooyinka aan qaadeyno oo ku xiran mowqifkeena,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan oo u waramayey BBC.