Sheekh Shariif “Waxaan Aad Uga Xunahay In Lasoo Adeegsado Ciidamadii Aan Dhisnay”

1

Midowga Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maanta kulan looga hadlaayay rabshadihii ka dhacay Magaalada Muqdisho ku yeeshay Hotelka Jasiira ee fadhigoodu yahay.

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa waxaa uu marka horey sheegay in ay ka xun yihiin tallaabooyinkii dowladda Federaalka ku weerartay Xubnaha Midowga, kuna joojisay banaanbax nabadeed oo ka dhici lahaa Caasimadda.

Waxaa uu sheekh Shariif tacsi u diray dadkii waxyeelada kasoo gaartay weerarkii dhacay oo uu tilmaamay in lagu qaaday Musharaxiin iyo dad shacab ah oo doonayay inay soo bandhigaan aragitooda ku aadan in dalka laga qabto doorasho heshiis lagu yahay.

Isaga oo sii hadlaayay Shariifka ayuu caddeeyay in falanqeyn dheer oo ay sameeyeen kadib Go’aan ku gaareen Musharaxiinta in lasii wado banaanbaxa dastuuriga, isla markaana uu yahay mid Caafimaad u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Shariif inay aad uga xun yihiin in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo uu Ciidanka dowladda u adeegsado danno gaar ah iyo in lagu weeraro Mas’uuliyiin kala duwan oo  dalka xilal waaweyn kasoo qabtay.

“Ciidanka shalay markaan dhiseenay waan u hagar baxnay, waxaana aad uga xunahay in lasoo adeegsado ciidamadii aan dhisnay, waa muhiim ah in la ilaaliyo xorriyada hadalka iyo dowladnimada ayuu yiri Sheekh Shariif oo warbaahinta la hadlay.

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee dalka Shariif ayaa u mahadceliyay shacabkii doonayay inay ka qeyb galaan banaanbixii ay ku dhawaaqeen oo soo bandhigi lahaa sida ay u rabaan in dalka laga qabto doorasho xor iyo xalaal ah, heshiisna lagu yahay.