Jubbaland oo shaki gelisay ka qeyb galka shir ka dhaca Muqdisho

1

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed dalka ayaa shaki geliyey ka qeyb galka shirka madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, isagoo u sababeeyey rabshadihii shalay ka dhacay Muqdisho.

Sayid Aadan oo wareysi siiyey BBC ayaa sheegay in Jubbaland ay ka fiirsaneyso ka qeyb-galka shirka ka dhici doona magaalada Muqdisho ee uu iclaamaiyey madaxweyne Farmaajo.

“Mar haddii aysan is fahamsaneen dadkii wax wada lahaa waa in aan ka fiirsanaa tagista Muqdisho iyo ka qayb-galka shirka, ciidamadii iyo siyaasadiinta hadiiba ay kala qaybsameen waa in aan marwaliba ka fiirsanaa tallaabooyinka aan qaadeyno oo ku xiran mowqifkeena,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Jubbaland oo xalay war kasoo saartay shaqaaqadii shalay ka dhacday Muqdisho ayaa nasiib darro ku tilmaantay wixii dhacay, iyadoo dhinacyada dowladda dhexe iyo musharaxiinta ugu baaqday inay is xakameeyaan oo laga fogaado wax kasta oo keeni kara gacan ka hadal.