Wasaaradda Caafimaadka DF Oo Qalab Looga Hortego COVID-19 Lagu Wareejiyay

15

Wasaaradda Caafimaadka iyo Maamulka Gobalka Benaadir ayaa Daah-furay Barnaamijka Wacyigelinta Ballaaran ee ka hortaga soo laba kacleeynta marka labaad ee Cudurka halista ah ee COVID-19.

Daah-furka ayaa khudbad ka jeediyay Wasiirka Wasaaradda Cafimaadka Dr. Fawziya Abikar Nur iyo Guddoomiyaha Gobalka Benadir iyo Duqa Magaalada Muqdishu Cumar Maxamud Maxamed (Filish), iyagoona ka hadlay soo laba kacleynta Cudurka.

Wasiirka iyo Guddoomiyaha ayaa u mahadceliyay Shaqaalaha iyo Maamulka Isbitaalka DeMartini kuwaas oo nafooda u huray Badbaadinta dadkii uu soo rito Xanuunka Halista ah ee Covid19.

Guddoomiyaha ayaa ku wareejiyay Isbitaal Martiini qalab loogu talagalay ka hortago Caabuqa Covid19, Isagoo balan qaaday in Wasaaradda Caafimaadka uu kala shaqeeyn doono xoojinta dadaaladda lagu xakameynayo faafidda Cudurka COVID-19

Wasiir Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa ka guddoontay Guddoomiyaha Agabka Caafimaad, waxeyna uga Mahadcelisay garab Istaaga Joogtada ah ee Guddoomiyaha iyo Dhamaan Maamulak Gobalka Benadir la garab taaganyihiin Wasaaradda iyo Isbitaalaka De Martinin.