Xabad joojin la dhexdhigay beelo ku dagaalamay gobolka Galguduud

16

Wafdi Iskugu jira wasiiro iyo Xildhibaano heer federal ah, xubno ka tirsan Barlamaanka Galmudug Iyo Waxgaradka Cadaado ayaa dadaal Xooggan ugu jira sidii loo kala qaadi lahaa maleeshiyo ka soo kala jeeda Dhuusamareeb iyo Cadaado, kuwaa oo ku dagaalamay deegaanka Xananbuure ee gobolka Galguduud.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa,wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo odayaal dhaqan ayaa la soo sheegayaa in ay  ku guuleesteen inay heshiis xabad joojin ah kala dhax-dhigaan beelahan dirirtu dhexmartay.

Sidoo kale waxaa la filayaa in shir dib u heshiisiineed la isugu keeno dhinacyadii ku dagaalamayay deeganaka Xananbuure ee gobolka Galgaduud.

Colaadan ayaa maalmahii la soo dhaafay ka taagneyd degaanada Xanan buure iyo Qalanqale oo ka Tirsan Gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu khasaare ka soo gaaray u badan shacab.

Labada maleeshiyo Beeleed oo ku dagaalamay Xananbuure ayaa la sheegayaa in ay isku heystaan dhul daaqsin iyo Baraagado.