MW Farmaajo oo war ka soo saaray guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika iyo Ku-xigeenkiisa

6

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mudane Moussa Faki iyo Ku-xigeenkiisa Marwo Dr.Monique Nsanzabaganwa oo dib loogu doortay Hoggaanka Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in Hoggaamiyeyaasha Qaaraddu ay wadajir uga shaqeeyaan qorshaha heer Qaaradeed ee ku aaddan Ilaalinta Nabadda, ka hortagga colaadaha, hirgelinta yoolka horumarka waara ee qaaradda, la dagaallanka argagixisada iyo saboolnimada.

Sidoo kale wuxuu xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii xoojineyso doorka ay ka qaadaneyso adkenta nabadda Geeska Afrika, xasilloonida, horumarinta dhaqaalaha iyo xiriirka iskaashi ee ku dhisan wax wada qabsi iyo daris wanaag.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Guddoomiye Moussa Faki doorka uu ka qaatay dadaallada ciribtirka saboolnimada iyo xagjirnimada oo caqabad ku ah horumarka shucuubta Afrika.