Maamulka G/Banaadir Oo Lagu Wareejiyay Maamulka Adeegyada Caafimaadka

4

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah Maamulka Gobolka Banaadir ku wareejisay Maamulka Adeegyada Caafimaadka ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Munaasabad ka dhacday Caasimadda oo Maamulka kula wareegayay adeegyada Caafimaadka ayaa waxa  ka qeyb Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Finish, Wasiirka Caafimaadka Fowzia Abiikar Nuur, Mas’uuliyiin ka socday dowladda Federaalka iyo xubno kale.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday qorshe ay maamulada dalka ugu daadejineyso adeegyada caafimaadka ee ay shacabka u baahan yihiin.

Howlaha wareejinta Maamulka Adeegyada Caafimaadka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo xil saaray Guddiyo, kuwaasi oo ka shaqeeyay sida lagu wareejin karo Maamulka Adeegyada Caafimaadka.