Wafdi ka socda Mareykanka oo Muqdisho yimid iyo Madaxweyne Farmaajo oo kulan la leh

3

Ilo Xog ogaal ah oo ka tirsan Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu kulan albaabada u xiranyahay Xarunta Xalane kula qaadan doono Diblumaasiyiin iyo Shaqaalaha Safaarada Mareykanka ee Muqdisho uu hoggaaminayo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto.

Kulanka ayaa waxaa la filayaa inay qeyb-galaan Wafdi ka socda Safaaradaha Mareykanka uu kuleeyahay wadamada Soomaaliya dariska la ah ee Ciidamada Nabad ilaalinta ka joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo doonaya in ay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo kala hadlaan xaalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka oo uu muran ka taaganyahay.

Todobaadkii lasoo dhaafay Dowladda Mareykanka waxa ay markale kucelisay in aysan aqbali doonin Doorasho hal dhinac ah taasi oo soo dadejisay in Madaxweyne Farmaajo uu ku baaqo Shirkii Dhusamareeb 4 oo ugu dambeen fashil kusoo dhamaaday.

Ila wareedka Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa warkiisi ku daraya in Jimcihii lasoo dhaafay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu la kulmay wasiirkiisi cusub ee Arrimaha dibaddaa Antony Blinken waxaana uu kala hadlay muhiimad ay Dowladda Mareykanka u leedahay Damanad qaadida Arrimaha Dimoqraadiya iyo si Nabad ah inay Somalia Doorasho uga dhacdo.

Madaxweyne Farmajo oo shalay ka hor hadlay Golaha Shacabka ayaa rajo xumi ka muujiyay meesha ay isla gaareen qaar kamid ah Dowlad Goboleedyada dalka sida Jubaland iyo Puntland oo keentay in Shirkii Dhuusamareeb 4 oo is afgarad la’aan uu kusoo dhamaado.