Faah-faahin:Qarax lagu dilay Talyihii NISA ee Dhuusamareeb

13

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galguduud ayaa sheegaya in qarax goordhow lagu dilay talyihii ciidamada Nabad sugida ee Dhuusamareeb, Cabdirashiid Cabdi Nuur Shiikhdoon (Qooje-Yare ) iyo Askar ilaalo u aheyd.

Qaraxa ayaa oo ahaa miinada nuuca dhulka la galiyo ayaa waxaa lala eegtay talyaha iyo ilaaladiisa xilli ay safar uga soo baxeen magaalada Dhuusamareeb, iyadoo uu qaraxa lala eegtay xilli ay marayeen deegaanka Ceeldheere oo 30-KM u jira Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Ilo degaanka ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa ay ku dhinteen Taliyihii Ciidanka NISA ee Dhuusamareeb Cabdirashiid Cabdi Nuur Shiiq doon (Qooje) iyo Askar ilaalo u aheyd.

Kooxda Al-Shabaab ayaana sheegatay mas’uuliyada qaraxan, iyagoona sheegtay in ay dileem 14 ruux oo uu kamid yahay talyihii nabad sugida ee Dhuusamareeb.

Saraakiisha ciidamada ayaan weli ka hadlin qaraxan lagu dilay talyihii Nabad Sugida ee magaalada Dhuusamareeb.

Al-Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay culeys dhinaca amaanka ah saaray Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb iyaga oo Hoobiyayaal ku garaacayay.