Dibadbaxyo looga soo horjeedo militeriga qabsaday Mayanmaar oo dalkaas ka socda

11

Tobanaan kun oo qof oo dibad baxayaal ah ayaa iskugu soo baxay magaalada labaad ee ugu weyn dalka Mayanmaar ee Yanguun kuwaasoo si weyn u diidan maamulka miltryga ah ee xukunka dalkaas afgambiga ku qabsaday todobaadkii hore.

Dadka dibadbaxaya ayay ciidamadu ka hor istaageen meelaha qaar magaalada Yaanguun waxaana ay wateen boorar ay ku qoran yihiin halkudhegyo ay xukunka militryga ah ku diidanyihiin.

Inta badan isku socodka magaaladaan ayaa joogsaday waxaana la xiray goobaha ganacsiga ayadoo gaadiidka dadweynahuna istaagay.

Abaabulayaasha banaanbaxaan ayaa codsanaya in xukunka wadanka dib loogu celiyo dawladii shaqaynaysay sidoo kalena madaxda la xir xiray lasii daayo.

Dawlada hadda jirta ayaa hawada ka saartay adeega internetka.