Farmaajo “Arrimaha Doorashada Iyo Xaaladda Dalka Waxaa Ku Jira Faragelin Shisheeye”

13

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta khudbad ka jeediyay kulankii gaarka ahaa ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ku yeeshee Xarunta Villa Hargeysa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka dhacaya oo weli muran xoogan uu ka taagan yahay, iyadoona uu natiijo la’aan kusoo dhammaaday Shirkii Dhuusamareeb.

Waxaa uu sheegay in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay bedeli doonaan Xildhibaano la doortay, si looga fogaado wax kasta oo keeni khalalaaso siyaasadeed, wuxuuna sheegay in Warbixinta uu jeedinayay aysan aheyn mid ay leeyihiin Muraacadka, xili lagu buuqay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu tilmaamay in afartii sannoba mar dalka Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho heshiis lagu yahay, isla markaana magacaabeen Guddiyo ka shaqeeya arrimaha doorashada, wuxuuna sheegay in dowladdiisa ay dooneysay in dalka laga qabto doorasho qof iyo Cod ah, hayeeshee uu tanaasul ka sameeyay.

Madaxweynaha Puntland ayuu carabka ku dhuftay Madaxweynaha inuu isaga gacantiisa ku qoray heshiiskii 17-kii Bishii September 2020 doorashada dalka looga gaaray Muqdisho, isla markaana Madaxda ay goob joog ka ahaayeen, sidaasina uu ku  aqbalay, xiligaas.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in Arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka uu ku jirto faragelin shisheeye, isagoo caddeeyay in uusan dhici doonin firaaq Dastuuri ah.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa sheegay in uu diyaar u yahay fulinta heshiiskii 17-kii Bishii September 2020 laga gaaray doorashada dalka ka dhaceysa, wuxuuna Xildhibaanada Golaha Shacabka dalbaday inay arrintaas kala shaqeeyaan.