Al-Shabaab Oo Weerar Dhabba-Gal Ah Ku Qaaday Guddoomiye Degmo

11

Dagaalka xoogan oo u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa waxaa uu ka socdaa degaan u dhow degmada Luuq ee Gobolka Gedo, kaasi oo bilowday duhurnimadii Maanta.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, kadib markii rag hubeysan oo Al-shabaab ay weerar dhabba-gal ah ku qaadeen gaari uu la socday Guddoomiyaha cusub ee degmada Luuq, xili uu socdaal ku marayay wadada xiriirisa degmooyinka Luuq Iyo Doolow.

Dad ku sugan deegaano dhow hadlku uu dagaalka ka socdo ayaa ku warramay inay maqlayaan dhawaqa rasaasta labada dhinaca ay is-dhaafsanayaan, isla markaana xaaladda ay adeg tahay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay dagaalkaas, in kastoo aan si dhab ah loo cadeyn karin, maadaama aysan jirin cid faah faahin ka bixisay oo labada dhinac ah.

Al-shabaab ayaa horey sidaan oo kale Mas’uuliyiin ugu weeraray wadada xiriirisa degmooyinka Luuq Iyo Doolow ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, xili socdaalo ku marayeen halkaas, waxaana dhacay dagaalo khasaaro geystay.