Akhriso: Nuxurka khudbadii Farmaajo ee golaha shacabka

17

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta khudbad ka hor jeediyay xildhibaanada golaha shacabka, ayaa ka hadlay arrrimaha doorashada iyo khilaafka ka taagan, isagoo soo dulmaray marxaladihii uu soo maray khilaafka sababay in xalay natiijo la’aan lagu soo kala tago shirkii Dhuusamareeb.

189 xildhibaan ayaa soo xaadiray kulankii maanta, waxaana loo diiday warbaahinta madaxa-banaan, iyo inta badan shaqaalihii baarlamaanka, sidoo kale waxaa laga saaray xubno ka socda Aqalka Sare oo ka soo qeyb galay kulan, iyagoo ka soo amar diiday guddoomiyahooda Cabdi Xaashi.

“Waxaan rabaa inaan halkaan ka cadeeyo inaan diyaar u nahay hirgelinta heshiiskii 17-kii September, waxaana idinka codsaneynaa inaad nagu garab siisaan sidii walaaleheen naga maqan aan ugu qancin leheyn inay qeyb ka ahaadaan hirgalinta heshiiska, anigu waxaan sameeyey tanaasul badan, balse madaxweynayaasha qaar waxay ka hor yimaadeen wax walba,” ayuu yiri Farmaajo.

Waxa uu sheegay in heshiiskii 17-kii Septembar uu soo qoray madaxweynaha Puntland Saciid Deni, isla markaana uu u yeelay sidii uu rebay isagoo tanaasulaya, balse hada ay isagii ka diidan yihiin in la hir-geliyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intaas ku daray in khilaafka hareeyey doorashada aysan ka marneyn gacmo shisheeye, isla markaana qof kasta laga rabo in loo midoobo wixii faro-gelin ah.

Ugu dambeyntii madaxweyne Farmaajo ayaa xildhibaanada golaha shacabka ka codsaday inay gacan ka geystaan qancinta labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland, waxuuna rajo ka muujiyay in kulamo kale la isugu yimaado, si heshiis looga gaaro doorashada.