DFS oo sheegtay in ay gacanta ku soo dhigi doonto Gen Xuud iyo Ciidamadiisa.

25

Waxaa haatan degan xaalada magaalada Baledweyne kadib markii  maanta uu halkaasi ka dhacay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaad uu hoggaamiyo Gen Xuud.

Taliyaha ku xigeenka qeybta 27 aad ee Ciidanka xoogga dalka Salaax Yacquub Saalax oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda ay ku raad joogaan Gen Xuud iyo ciidamadiisa, islamarkaana waxaa uu sheegay in gacanta lagu soo dhigi doono.

Sidoo kale  Taliye ku xigeenka ayaa sheegay in Al-shabaab aysan waxba dhaamin maleeshiyaadkii saakay weerar ku qaaday magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Gen Xuud oo wata oo maleeshiyaad uu ku abaabulay duleedka Beledweyne ayaa qaadacay  doorashadii HirShabelle ee ka dhacday Magaalada Jowhar, kaasi oo uu ku soo baxay madaxweynaha  maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Waxaa marar badan guul dareystay dadaalo lagu doonanyey in meesha looga saaro  cabashada ka taagan shacabka dega gobolka Hiiraan iyo diidamada Beledweyne ee maamulka Hirshabelle.