Maxaa ka soo kordhay shirka ka socda Dhuusamareeb

1

Xili maalinkii labaad uu galay shirka wadatashiga dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ayaa lasoo sheegaya in isku soo dhawaasho laga dareemayo madaxda ku shirsan Dhuusamareeb.

Wararka ayaa intaa ku daraya in wadaxaajoodka qodobka soo xullidda xubnaha baarlamanka Somaliland ay ku lug lahaanayaan gudoomiyaha aqalka sare iyo ra’iisul wasaara kuxigeenka xukuumadda federaalka.

Ilo ku dhow dhow shirka u socda Madaxda dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo guddoomiyaha  Gobolka  Banaadir ayaa sheegaya in illaa iyo hadda saddexda qodob  ee  miiska saran, islamarkaana  is fahamka  bilow ah ee laga gaaray ayaa waxaa ka mid ah.

1-Arrinta Gedo xalkeeda waxaa loo saaray Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle.

2- In Ciidamo AMISOM  ah oo aan u dhalan wadamada itoobiya jabuuti iyo kenya  la geeyo Garbahaarey

3- in Guddiga Doorashada Jubbaland la geeyo degmada Garbahaarey.

4- Madaxweynaha Jubbaland  ayaa la sheegey in doonayo in Maamulkii Gobolka Gedo ee Jubblanad lagu celiyo Garbahaarey, gaar ahaan Duqa magaalada

Shirka ayaa  la filayaa in maanta lasooo gabagabeeyo  iyadoona warar soo baxaya ay sheegaya in  warmurtiyeed laga soo saaridoono