Guddoomiyaha Aqalka Sare oo dhaliil usoo jeediyay madaxweyne Farmaajo

22

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo in uusan qaddarin waajibaadka dastuurka uu siiyay Aqalka Sare.

“Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida uu dastuurka qaranka sheegayo.. waa wakiilka dowlad goboleedyada,waa ilaaliyaha nidaamka federaalka ee dalkan”

Wuxuu sheegay in madaxweynaha Dawladda Federaalka uu ka hor istaagay inuu ka qaybgalo shirka maanta madaxda Dawladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada uga furmay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

“Waxaan ka xumahay muddadaa uu jiray Aqalka Sare in madaxweyna uusan aqoonsanin tixgelinin waajibaadkaa dastuuriga ah ee dastuurka siiyay Aqalka Sare, khilaaf kasta iyo wadahadal kasta oo dhexmara dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, Aqalkaasi in uu yahay midka shirarkaas muhiimad gaar ah ay ka saaran tahay oo dhexdhexaadiye ah” ayuu yiri Cabdi Xaashi oo goordhaweyd shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.

Hadalka guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa kusoo beegmayaa xilli Dhuusamareeb madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka uu uga furmay kul looga hadlayo muranka harreeyay hanaanka doorashada Soomaaliya.