Shirkii Dhuusamareeb oo si rasmi ah u furmay iyo wararkii u dambeeyay

8

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Gal-mudug waxaa goordhow ka furmay Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir iyadoo shirka uu ka dib dhacay waqtigii u qorsheeyay Madaxweyne Farmaajo oo ahaa 1-3 February.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Cali-Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.

Madaxda ayaa isla gorfeeyey dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaaday hirgelinta hannaanka doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay shirka ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay wadajirka shacabka soomaaliyeed, waxa uuna dul istaagay marxaladihii adkaa ee laga soo maray dib u dhiska dowladnimadeenna.