Muuse Biixi oo si adag uga hadlay amni darada Muqdisho iyo dilkii Jeneraal Galaal

18

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyey munaasabad lagu xusaayey 27 sano guuradii ka soo wareegatay markii la aas-aasay ciidanka militeriga Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay inay ka xunyihiin dadka lagu laynayo magaalada Muqdisho, isagoo ka tacsiyadeeyey geeridii Jeneraal Galaal iyo dadkii lala dilay.

Madaxwaynaha Somaliland ayaa bulshada Soomaaliyeed, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay uga tacsiyadeeyey Jeneraal Maxamed Nuur Galaal, isagoo tilmaamay Jananku ahaa oday Soomaaliyeed oo ka mid ahaa dadka ugu aqoonta badan arrimaha ciidanka.

“Jeneraal Galaal oo aan anigu shakhsiyan aad iyo aad u aqaanay oo oday Soomaaliyeed ahaa oo garanaya qadiyada Somaliland waxay ku fadhido xog-ogaalna u ahaa, aad iyo aad ayaan ugu tacsiyadaynayaa qoyskiisii, dadkiisii iyo intii kale ee taqaanaba,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxweynaha oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Waxaan aad iyo aad uga xunahay maalin walba dadka dhimanaya ee dhiigoodu daadanayo ee muslimka ah, ee aan mid mid u garanayno, kuwaas oo ay u dambeeyeen kuwii lagu laayey Hotelka Afriik.”

Madaxwaynaha Somaliland ayaa khudbadiisa sidoo kale ku sheegay in ay wax la qaban la haayeen madaxda Soomaaliya haddii ay ku fikiraan in Somaliland masiirkeeda ay u madax banaantahay.

“Soomaaliya waa dad aynu jaarnahay oo muslim ah, dhibaatada gaaree way na damqineysaa, haddii itaal wayn aynu leenahay, iyaguna ay garanayaan waxaan isku nahay, dadkooda iyo dowladooduna siday u fikirayaan si ka duwan u fikiraan. Maanta tabaaladooda iyo waxtarkooda dadka ugu dhow ee qaban lahaa ayaynu nahay,” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.