Siyaasiyiinta Gobollada Waqooyi Oo Ku Baaqay Shirweyne Qaran

14

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa ku baaqay in la isugu yimaado Shirweyne Qaran oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashada.

Xildhibaanada oo shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ay sheegeen in shirka Maanta Madaxda dowladda, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir uga furmay Dhuusamareeb aan loo dhammeyn.

Waxaa ay sheegeen Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Shirkaas lagu casuumi waayay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi, isla markaana uu dalbaday inuu ka qeyb galo Shirka, hayeeshee laga diiday.

Shirweyne qaran oo looga hadli doono xaaladda dalka iyo muranka doorashada ayey Xildhibaanada ku baaqeen in la isugu yimaado, iyagoona qaadacay Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Dhuusamareeb ka furmay.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Madaxweynaha ku eedeeyay in uusan aqoonsaneyn Aqalka Sare, isla markaana uusan fahamsaneyn in Somaliland maqan tahay, sidoo kalena uusan aqoonsaneyn nidaamka Federaalka.