Puntland:Xildhibaano cusub oo la dhaariyay

7

Kadib kulan ay maanta xildhibaanada baarlamaanka Puntland ay ku yeesheen magaalada Garoowe ayaa lagu dhaariyay 8 xildhibaan oo cusub, kuwaasi oo ka mif noqonaya baarlamaanka Maamulkaasi.

Fadhiga baarlamaanka ayaa waxaa shir guddoominayay   Guddoomiyaha Golaha Wakiillada dowlad goboleedka Puntland Cabdirashid Yusuf Jibril

Ujeedka kulanka ayaa maanta waxaa looga hadlay soo jeedinta ogolanshaha Xubinnimada 8 Xildhibaan oo cusub, kuwaas oo bedelay Xubnihii hore ee laga Xayuubiyey Xubinnimadii iyo Xasaannadii baarlamaanka maamulkaasi.

Xubnaha maanta la dhaariyay ayaa waxaa ka mid ah:-

1. Xildhibaan Cabdirashiid Maxamuud Yuusuf ( Afgaduud)
2. Xildhibaan Maxamed Cabdi Faarax
3. Xildhibaanad Maryan Cismaan Axmed Fangase
4. Xildhibaan Faarax Sulub Jaamac
5. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Saalax ( Abuu baraa)
6. Xildhibaan Cabdicasiis Xuseen Maxamuud ( Garagoos)
7. Xildhibaan Cabdiqani Nuur Faarax Muuse
8. Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Gurey Mirood