Mid ka mid ah saraakiisha ciidamadii Mukhtaar Roobow oo la dilay

9

Warar aan ka heleyno magaalada Baydhaba ee gobolka Bay ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay xalay weerar ku qaadeen guriga mid kamid ah saraakiisha ciidamadii Mukhtaar Roobow Cali Abuu-mansuur oo Muqdisho ugu xiran dowladda Soomaaliya.

Guriga weerarka lagu qaaday ayaa ku yaallaa xaafad lagu magacaabo Buula-fuulaay oo dhacda duleedka bari ee magaalada, waxayna dadka deegaanku noo sheegeen in aaggaas aysan ka dhaweyn wax ciidan ah.

Weerarka oo ahaa mid toos ah ayaa waxaa ku dhintay sarkaalkii la weeraray gurigiisa, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay xaaskiisa iyo laba caruur oo uu dhalay.

Dhaawacyada dadkaas ayaa haatan waxaa lagu dabiibayaa isbitaalka magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Gudaha magaalada Baydhaba waxaa saakay illaa maanta ka socda howlgallo ay sameynayaan ciidamada ammaanka, kuwaas oo lagu baacsanayo ragii fuliyey weerarkaas.

Illaa hadda ma jirto cid loo soo qabtay weerarkaas, waxaana goobta ka baxsaday raggii fuliyey, welina laamaha ammaanka magaalada Baydhaba kama hadlin weerarka lagu qaaday hoyga sarkaalka la dilay.