Maxaa ka soo kordhay isku dhaca dhexmaray ciidamada Kenya iyo Soomaaliya?.

20

Isbitaal ku yaala Magaalada Mandera ee dhacda Xadka Somalia iyo Kenya ayaa lasoo sheegaya in lagu daweenayo Laba sarkaal oo Kenya ah oo kamid ah kuwa ilaalada gaarka ah ka haya xadka Soomaaliya iyo Kenya, waxaana la tilmaamay in ay rasaas ay kala kulmeen koox aan heebtooda lagaran.

Jariidada Nation ee ka soo baxda Kenya ayaa daabacday in Saraakiishaan dhaawaca uu soo gaaray ay ahaayeen kuwa u xilsaaran meelaha laga soo galo iyo laga baxo ee xadka Somalia iyo Kenya.

Edwin Seda Taliyaha Booliska Mandera oo gaaray goobtii dhacdadaasi ay ka dhacday ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan sidii ay wax u dhaceen, waxaana uu diiday inuu tafaasiil dheeraad ah ka bixiyo.

Edwin Seda ayaa waxaa uu cadeeyay in saraakiisha dhaawacmay uu muran dhex maray ganacsato Somali ah oo doonayay badeecado ay ka qaadeen magaalada Beled Xawo inay u iib geeyaan magaalada Mandera.

Qof taksiile ah oo warbaahinta Kenya la hadlay ayaa sheegay inuu kamid ahaa dadkii goobta ku sugnaa “ waxaan arkaayay muran dhex maray ganacsatada iyo saraakiisha Booliska Kenya ee Mandera hal mar ayaan ka warhelnay rasaas nagu socota” ayuu yiri Taksiilahaan oo diiday magaciisa in warbaahinta loo adeegsado.

Waxa uu hadalkiisi intaa ku daray in uusan arag cida rasaasta rideysay balse xabaduhu ay ka imaanayeen dhinaca ay Ciidamada Somalia kaga sugan yihiin xadka labada dal kala qeybiya.

Waxaa jirta sidoo kae in sarkaal 3aad uu dhaawac fudud uu kazoo gaaray rasaastaasi.

Taliyaha Booliska Mandera Edwin Seda ayaa sheegay in baaritaanka ay sameenayaan ay wax waliba kusoo xaqiijin doonaan.

Xasan Cali oo kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa sheegay in lacago badan oo baad ah ay ka qadan ciidamada Kenya kuwa kalana ay u raacaan ilaa goobtoodi ganacsiga oo lacago badan ay ka qaataan.