Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Ka Degay Garoonka Dhuusamareeb

8

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa Goordhow waxaa gaaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish iyo wafdi uu hoggaaminayaay, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Ujeedka Guddoomiye Cumar Finish ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka oo gelinka dambe ee Maanta la qorsheeyay inuu furmi doono.

Wafdiag Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana intaas kadib loo galbiyay dhinaca Xarunta Madaxtooyada.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa goorsii horeysay oo Maanta ah gaaray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, waxaana kasii horeeyay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda maamul Goboleedyada.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in daqiiqado kadib uu gaaro Caasimadda Galmudug, isla markaana waxaa halkaas ka socota qaban qaabadii lagu soo dhaweeynayo.

Shirka ayaa waxaa ku baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isla markaana waxaa lagu shalay uu shalay furmo, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid, wuxuuna qorshahu yahay inuu socdo muddo saddex maalmood ah.